dowload garee barnamijkan

Baro Salaada


 

mod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_counter
mod_vvisit_counterMaanta17
mod_vvisit_counterShaley79
mod_vvisit_counterTodobadkan17
mod_vvisit_counterTod.hore1048
mod_vvisit_counterBishan2324
mod_vvisit_counterBishii Hore14309
mod_vvisit_counterDhamaan52176

We have: 2 guests online
Your IP: 23.20.196.179
 , 
Today: May 19, 2013

Quran

Baro Quranka

Home Fadliga Quranka

FADLIGA QUR'AANKA

 


FADLIGA QUR'AANKA

قال الله تعالى: ﴿ إِنَّ هَـٰذَا الْقُرْآنَ يَهْدِي لِلَّتِي هِيَ أَقْوَمُ وَيُبَشِّرُ الْمُؤْمِنِينَ الَّذِينَ يَعْمَلُونَ الصَّالِحَاتِ أَنَّ لَهُمْ أَجْرًا كَبِيرًا ﴿٩﴾

Qur’aankani wuxuu ku Hanuunin Dadka Arrinta u Toosan ugana Bishaarayn kuwa fala Wanaag inay Mudan yihiin  Ajiri wayn .

وقال سبحانه : ﴿ وَنُنَزِّلُ مِنَ الْقُرْآنِ مَا هُوَ شِفَاءٌ وَرَحْمَةٌ لِّلْمُؤْمِنِينَ ۙ وَلَا يَزِيدُ الظَّالِمِينَ إِلَّا خَسَارًا ﴿٨٢﴾

Waxaanu soo dajinaynaa Qur’aanka  Isagoo caafimaad iyo Naxariis u ah Mu’miniinta, Dalimiintana uma  siyaadiyo Waxaan Khasaare ahayn.


وقال سبحانه : ﴿ إِنَّ الَّذِينَ يَتْلُونَ كِتَابَ اللَّهِ وَأَقَامُوا الصَّلَاةَ وَأَنفَقُوا مِمَّا رَزَقْنَاهُمْ سِرًّا وَعَلَانِيَةً يَرْجُونَ تِجَارَةً لَّن تَبُورَ ﴿٢٩﴾

Kuwa Akhriya  Kitaabka  Alle oo salaadda ooga oo wax ka nafaqeeya (ka bixiya) waxaan ku arsaaqnay qaarsoodi iyo caddaanba waxay rajayn tijaaro (ganacsi) aan baaraynin.

عن أبي أمامة رضي الله عنه قال‏:‏ سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول‏:‏ ‏"‏ اقرءوا القرآن فإنه يأتي يوم القيامة شفيعًا لأصحابه‏"‏ ‏(‏‏(‏رواه مسلم‏)‏‏)‏‏.

Abii umaamah (A.K.R) wuxuu yiri: Waxaan maqlay Rasuulkii Alle (S.C.W.) oo leh: Darsa Quraanka (si joogta ah), maxaa yeelay wuxuu u ahaan doonaa shafeece iyo garab akhristayaashiisa Maalinta Qiyaamaha. (Muslim)

وعن النواس بن سمعان رضي الله عنه قال‏:‏ سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول‏:‏ ‏"‏يؤتى يوم القيامة بالقرآن وأهله الذين كانو يعملون به في الدنيا تقدمه سورة البقرة وآل عمران تحاجان عن صاحبهما ‏"‏ ‏(‏‏(‏رواه مسلم‏)‏‏)‏‏.

Nawwaas bin Samcaan (A.K.R) wuxuu yiri: Waxaan maqlay Nebiga (S.C.W.) oo leh: Maalinta Qiyaamaha Qur’aanka sidoo kale waa lala keeni doonaa kii ku camal falay adduunyadan. Hortiisa isaga,  oo Suuradaha Al-Baqrah iyo Aal-Cimraan baa hogaamin doona iyagoo u doodaaya dadkii akhrisan jirey suuradahan adduunkii. (Muslim)

وعن عثمان بن عفان رضي الله عنه قال‏:‏ قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ‏:‏ ‏"‏خيركم من تعلم القرآن وعلمه‏"‏ ‏(‏‏(‏رواه البخاري‏)‏‏)‏‏.‏

Cuthmaan ibn Caffaan (A.K.R) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) Wuxuu yiri: Waxaa idiinku khayr badan kuwiinna bartay Qur’aanka oo barana dadka kale. (Bukhaari).

وعن عائشة رضي الله عنها قالت‏:‏ قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ‏:‏ ‏"‏الذي يقرأ القرآن وهو ماهر به مع السفرة الكرام البررة، والذي يقرأ القرآن ويتتعتع فيه وهو عليه شاق له أجران‏"‏ ‏(‏‏(‏متفق عليه‏)‏‏)‏‏.‏

Caa’isha (A.K.R) waxay tiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Qofkii akhriya Qur’aanka oo u akhriya si fiican wuxuu la meel joogaa malaa’igta wax qorta oo sharafta leh oo baarriyiinta ah, qofka ku akhriya Qur’aanka si jejebin ah oo uu dhibta ku yahay wuxuu yeelan doonaa laba ajar. (Bukhaari iyo Muslim)

وعن أبي موسى الأشعري رضي الله عنه‏:‏ قال رسول الله صلى الله عليه وسلم ‏:‏ ‏"‏مثل المؤمن الذي يقرأ القرآن مثل الأترجة‏:‏ ريحها طيب، وطعمها طيب، ومثل المؤمن الذي لا يقرأ القرآن كمثل التمرة‏:‏ لا ريح لها وطعمها حلو، ومثل المنافق الذي يقرأ القرآن كمثل الريحانة‏:‏ ريحها طيب وطعمها مر، ومثل المنافق الذي لايقرأ القرآن كمثل الحنظلة‏:‏ ليس له ريح وطعمها مر‏"‏ ‏(‏‏(‏متفق عليه‏)‏‏)‏‏.‏

Abuu Muusaa Al-Ash-Cari (R.C.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Tusaalaha mu’minka darsaa Qur’aanka waa sida liinta ah udguunka iyo macaankla, tusaalaha mu’minka aan akhriyin Qur’aanka waa sida timirta engagan aan iyadu ur lahayn ha yeeshee macaan, tusaalaha munaafiqa akhriya Qur’aanka wuxuu la mid yahay reexaanta udgoon haddana qaraarka ah, munaafaqa aan akhriyin Qur’aanka wuxuu la mid yahay sibirta aan urta lahayn qaraarkana ah dhadhan ahaan. (Bukhaari iyo Muslim)

 


Qalabka  waxbarashada  ee ardayga looga baahanyahay waa sidan


 

ogaysiis

Fadlan wakhtiga xiisadaha ha la ilaaliyo

1. Haddii aay hawli kula soo daristo ama wax kale kugu yimaadaan usoo sheeg mamulka

2. Waa in arday kastaa yar iyo waynba soo xifdiyaa casharka loo diray

3. Waa in waalidku ag joogaa ardayga inta casharka loo dhigayo haddii wax cudur daar ahi jirin

4. Inta casharka labixinayo waa in aan lagu mashqulin TV ama phone iwm waa in la kal dameeyaa

 

sawiro





booqashada waa

We have 2 guests online

Call Me Free

Dunida oo idil inagala soo hadal : 0013477639440

Canada : +13477639440

USA : +3477639440